Dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo bari ka furmeysa magaalada Hague ee dalka Holland



Dacwada ku saabsan muranka xuduud-badeedka ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay maalinta barito ah  ay ka furanto xarunta Maxkamadda Adduunka magaalada Hague ee dalka Holland.

Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya Madax ka tirsan dowladda Kenya ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holland si ay uga qeyb galaan dacwada badda ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya.

Wararka ay laga helaayo Maxkamadda ICJ ayaa sheegaya in dacwado ay furmeyso maalinta Bari ah , waxaana ay socon doontaan dhageysiga muddo ku siman afar maalmood oo si galin galin ah loo dhageysan doono dacwada dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa horay  u sheegtay in bisha September ee sanadkaan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.


Add New Comment