Wasiirka Batroolka oo madaxda maamulka Jubbaland kulamo kula leh Kismaayo




Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo,halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wasiirka iyo xubniha Safarkiisa ku wehliyay ayaa soo dhawaynta kaddib, waxay kulamo la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyagoo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Jubbaland.

Degaannada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa la tilmaamaa iney hodan ku yihiin Shidaalka iyo Macdanta, waxaana Kulanka madaxda qayb ka ah qaabkii loo wajihi lahaa ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalka Gaar ahaan Dhulka uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.



Add New Comment