Madaxweynaha Turkiga oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya



Madaxweynaha Dalka Turkiga mudane Recep Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga safiirnimo uga guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkıga Danjıre Cabdullaahi Maxamed Cali.

Danjıre Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa uu ubax dhıgey madxafka lagu magacabo Anıtkabir, kaasi oo ay ubax dhıgaan madaxda soo booqaneysa wadanka Turkey ıyo Safıırada laso magacaabo sı loo xasuusto hogaamıyıhıı xornimada wadanka Turkey usoo dagaalamey aas aaseyna Jamhuuriyada Turkey ee cusub, isagoo noqdey Madaxweynihii ugu horeeyey wadanka Turkey Musdafa Kamaal Ataaturk.

Kadib Safıırka ayaa waxaa uu sı ramsı ah ula kulmey Madaxweynaha Dalka Turkıga Recep Tayyib Erdogan, asagoo si rasmi ah ugu wareejiyey warqadii danjiranimo, waxaana kulanka ku wehlıyey qaar ka mid ah diblomaasiinta Safaarada Soomaaliya ee Turkiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xirrir qoto dheer ee walaaltinimo ayadoo Dowladda Turkey ay safka hore uga jirto Dowladaha gacanta ka geysanaya dib u dhiska Soomaaliya

Danjıre Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa uu ka mahad celıyey sıda sharfta leh ee uu u soodhoweeyey Madaxweynaha wadanka Turkıga Recep Tayyib Urdugan, Danjıraha ayaa waxaa uu balan qaadey ınuu sii wadayo xoojinta xırııka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga waxaa uu horey u soo qabtey xilal kala duwan, ısagoo soo noqdey Safıırkii u fadhıyay Soomaalıya wadanka UK. Sidoo kale Danjıraha ayaa waxa uu soo noqdey Talıyaha Nabadsugıda Soomaalıya iyo xilal kala duwan.


Add New Comment