Madaxweynaha oo mar kale furey shirka maamul u sameynta Hiiraan & Sh/dhexe



Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ugu qeybgalay  shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo halkaasi ka socday,  kadib markii uu maanta halkaas gaaray.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo inta badan odayaasha labada gobol ee maamulka loo sameynaayo.

Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyada ee xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa munaasabada hadalo ka jeediyay.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka khudbad dheer ka jeediyay  ayaa waxaa uu ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay in la helo maamul ay ku mideysan yihiin labadan gobol, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo isla markaana la is kaashado.

“Dowladu waa fududeeye waa sharciyeeye iyo in ay goob joogka ahaato dhismaha maamulka, qofkii aan rayiga dadka kale tixgelineynin ogaada kiisana lama qaadanayo,” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa  sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka ee labada gobol looga baahan yahay in ay mas’uuliyad isa saaraan isla markaana aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka, ayaa khudbadiisa ku sheegay in wax kasta oo la bilaabayo ay dhibaato  badan leeyihiin, hase ahaatee loo baahan yahay dulqaad, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay dhibaatooyinkii laga soo maray dhismaha maamulada hadda jira.

“Talada adinka ayaa iska leh reer Hiiraan iyo reer Shabeelaha dhexe hadii aad tihiin, waqti badan ayaa idin ka lumay, maamulkiina dhista oo ka qeybgala talada dalka,” ayuu markale sheegay madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in maamulada  jira qurdhooda aysan dhameystirneyn dhismahaan lagu howlan yahay sidii loo kamili lahaa, u jeeda markii horey loo sameeyay ayaa aheyd in wax uun la helo, sidaas oo kale loo baahan yahay in wax la bilaabo si dhameystir loo gaaro.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in sida dadka qaar ay aamisan yihiin in madaxweynuhu uu dan gaar ah ku qabo dhismaha maamulkan, hase yeeshee taasi tahay mid aan sal la heyd.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ugu xilsaaran tahay dhismaha maamulkan wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka oo kaashanaysay urur goboleedka IGAD oo howshan fududeeye ka ah arintan.

Bishii Augusto ee sanadkii la soo dhaafay ee 2015, ayaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay hindisaha maamul wadajir ah loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, iyadoo wixii markaas ka dambeeyayna howsha maamulka loogu unkayo labadan gobol uu soo socday, inkastoo toran torooyin badan uu la soo kulmay geedi socodka maamul u sameynta goboladan uu hadda u muuqdo mid dhowaan la soo gabagebeyn doono dhismahiisa hadii Alle yiraahdo.



Add New Comment