Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka” Guddigaan marnaba kama maarmo Ururada Bulshada Rayidka



Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Baarlamaanka dalka ayaa kulamo la yeelatay Ururada bulshada Rayidka oo, ay kawada hadleen  howlaha guddiga horyaalla.

Guddomiyaha guddiga doorashooyinka baarlamaanka Xaalimo Ismaciil Ibraahim Xaliimo “Yarey” oo wareysi kaga hadashay Arrimaha Doorashooyinka ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in kahor doorashooyinkaas lala kulmo qaybaha Bulshada si tashi looga Galiyo habka loo wajihi karo doorashooyinkaas.

“Walaahi Talada ugu wayn  ee ka soo baxday  kulankaan waxa ay ahayd in Guddiga Madaxa bannaan uu san sinaba uga maarmin Ururada Bulshada Rayidka ah maxaa yeelay shaqadaan waxaa qaban doona kumaanaan kun oo qof kuwaas oo laga doonayo in ay  qabtaan shaqooyin badan marka waxaa soo baxday in ay is Aaminaan in ay is maqlaan in ay wada shaqeeyaan” Ayey tiri guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka xaliimo Yarey.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegtay in ay doonayaan inuu dalku ku socdo hannaanka Dimuqraadiyadda si loola jaanqaado dowladaha horumaray oo ay Soomaaliya waxbadan ka hartay.

“Waqtigaan Aanu hadda ku jirno maaha xilli doorasho Caadi ah laakiin waxaan doonaynaa inaan doorashooyinka dhici doono aanu gaarno innaga oo  Wada hadlay  iyo innaga oo Isku imaatin samaynay”  ayey markale tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.


Add New Comment