Madaxweynaha oo dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta qaranimada dalkaasi



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta qaranimada jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna xusayay 93 sano guuradi ka soo wareegtay aas aaskii Jamhuuriyadda Turkiga ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, wasiirka Amniga, wasiirka maaliyadda, Saraakiil ciidan Danjirayaasha dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho iyo marti sharaf kale oo halkaasi lagu casuumay.

Furitaanki xafladaasi oo laga garaacay astaanta calankeenna iyo kan Turkiga ayaa waxaa ka hadlay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mr. Elgon Bekar, isagoo mahadcelin kaddib ku dheeraaday taariikhda halgankii loo soo galay aas’aaskii Jamhuuriyadda Turkiga oo iminka loo dabaaldegayo sanadguuradeedii 93-aad iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa dowladda iyo Shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta Qaranka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay gurmadki dowladda iyo shacabka Turkigu ay u fidiyeen walaalohooda Soomaaliyeed, wuxuuna soo hadalqaaday booqashooyinkii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Erdogan uu ku yimid Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynuhu tilmaamay in walaalaha Turkiga mashaariicda ay ka fuliyeen dalka ka sokoow  ay gacmahooda uga qeybqaateen nadaafadda iyo dib u dhiska caasimadda dalka ee Muqdisho.

Safaaradda Turkiga ee galabta lagu qabtay munaasabadan ayaa ah tan ugu dhismo balaaran ee Turkigu ku leeyahay wadamada caalamka taasina waxey muujineysaa sida uu u horumarsanyahay xiriirka uu dalkeenu la leeyahay dalka Turkiga.



Add New Comment