Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka sadexaad ee India iyo Afrika



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay shirka sadexaad ee India iyo Afrika kaasoo maata ka furmay magaalada New Delhi ee dalkan India.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan hogaamiyeyaasha dalalka Afrika oo ay casuuntay dowladda India ayaa waxaa furay Ra’isulwasaarha India Narendra Modi oo khudbadiisa uga hadlay sida dalkiisu u doonayo inuu xiriir wanaagsan oo saxiibtinimo iyo ganacsiba ka kooban uu la yeesho dalalka Afrika.

Shirkan oo soconaya 1 maalin ayaa waxaa khudbad ka hadleysa xaaladda dalkeena ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo tilmamaay in Soomaliya ay kasoo gudubtay marxaladii burburka islamarkaana uu isbedel weyn ka jira amnigeeda,taasoo loo baahanyahay in maalgashi lagu sameeyo si loosoo saaro kheyraadka ay leedahay oo bad iyo bariba ku jira.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mashaariicda loo baahanyahay in dalkeenu helo iyo sida ay uga wada faa’iideysan karaan Soomaaliya iyo adduunka intiisa kale.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka hadlay madaxda dalalka.

Kenya,Tanzania, Ethiopia, Uganda, Murutania, Jabuuti, Egeypt, Angola, Zembabwe iyo madax kale oo ka socotay dalalka Afrika kuwaasoo dhmaaantood muujiyay fursadaha Afrika ka jira gaar ahaan dalalkooda.


Add New Comment