Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Danjiraha Britain ee Soomaaliya



Madaxweynaha dowlad-goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa  magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalka ingriiska u fadhida Soomaaliya Mrs Harriet Matthews.

Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka ayaa kulankooda looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin colaadda soo noqnoqotay ee magaalada Galkacayo, waxaana safiirka dalka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Mrs Harriet Matthews ay ka codsatay Madaxweyne Guleed in si Sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka Galkacayo.

Madaxweyne Guleed ayaa dhankiisa safiirka u sheegay in Galmudug ay mar waliba diyaar u tahay in ay si sharuud la’aan ah ku soo fadhiisato miiska wadahadalka, balse dhinaca kale ay diyaar u noqdaan daminta colaadda.

Wararka ay warbaahintu ka helayso kulankaasi ayaa tilmaamaya in sidoo kale Guuleed ay safiirku kala hadashay arrimaha doorshooyinka, ugu dambeyntiina uu kulankaasi uu ku soo dhammaaday jawi is afgarad.


Add New Comment