Guddoomiyihii baarlamaanka maamulka Puntland oo Maanta Shaaciyay inuu is-casilay

Guddoomiyihii baarlamaanka maamulka Puntland, Siciid Xasan Shire ayaa goor-dhow is-casilay, iyadoo is-casilaaddiisan ay ku timid kaddib markii ay mooshin ka keeneen ku dhawaad 40-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Afhayeenka oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay ahayd markii lagu sameeyay wax inqilaab oo kale ah, ciidammo fara badanna la geeyay xarunta baarlamaanka Puntland.

“Sababta aan isku casilay waa mooshin la iga keenay, ciidammo la wareegay xarunta baar-lamaanka saaka iyo in warar la isla dhexmarayay oo ahaa in la qorsheynayo in kursiga laga eryo, kuwaasoo iila ekaaday sidii in-qilaab,” ayuu yiri afhayeenkii baarlamaanka Puntland.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray in mooshinka isaga aan loosoo gudbin, sidoo kalena saakay la qabsaday xarunta baarlamaanka, si aan sharci ahaynna loogu gudbiyay mooshinka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, ayaan gartay inaan is-casilo, si aan arrinta uga eego dhanka nabadda.

“Xildhibaannada mooshinka iga keenay waxay isugu jiraan saddex qaybdood oo kala ah; kuwo ku doodaya inaan dowladda difaacayo, kuwo ku doodaya inaan galay kaalintii madaxweyne ku xigeenka oo aan madaxweynaha ku hayso xilka uu hayo iyo xildhibaanno ka tirsan guddiga joogtada oo aan howshooda kasoo bixin oo ka baqaya inaan sharci kasoo saaro arrintaas,” ayuu ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay guddoomiyaha is-casilay ee baarlamaanka Puntland.

Afhayeenkii baarlamaanka Puntland, ayaa xusay in ciidankii saakay xarunta baarlamaanka qabsaday ay ku jiraan ciidammo ka amar-qaata madaxweyne ku xigeenka baarlamaanka Puntland, C/xakiin Camey.

Dhanka kale, Siciid Xasan Shir ayaa xusay in mooshinka uu yahay been abuur, isagoo xusay in waxyaabaha lagu eedeeyay ee ku qoran mooshinka ay ka mid yihiin; inaan hanti lunsaday. “Haddii aan hanti lunsaday maxkamad in la i hor-geeyo ayaan mudanahay, haddii kalena maxkamad la hor-geeyo kuwii soo abaabulay been abuurkaas,” ayuu yiri Shire.

Add New Comment