Madaxweyne Xasan iyo Boqor Salmaan oo ku kulmay xarunta Boqortooyada Sacuudiga ee magaalada Riyaad



Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay qasriga Boqortooyada ee magaalada Riyadh oo uu degan yahay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis Aal -Sacuud.

Soo dhoweynta oo ahayd mid uu heerkeedu sareeyo kaddib ayey labada mas'uul u fadhiisteen wadahadal rasmi ah oo ku saabsan xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee wadaaga dhaqanka iyo diinta.

Kulanka labada mas'uul ayaa waxa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha dibedda, maaliyadda iyo warfaafinta, dhanka boqortooyada Sacuudigana xubno ka tirsan qooyska reer boqor iyo golayaasha dowladda Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya ka taagereyso dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dib-u-dhiska iyo shaqaaleynta dad fara badan oo Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxay labada dhinac ku ballameen in ay is dhaafsadaan wufuud heerkoodu sarreeyo si loo sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Sawirro


Add New Comment