T A C S I, geerida naxdinta leh ee ku timid Dr. Cabdullaahi Maxamed Xasan




Waxaa fiidnimadii caawa ee waqtiga Yurub cusbitaalka Mayo Clinic ee  magaalada Rochester ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Dr. Sheekh Cabdullaahi Maxamed Xasan oo 66 sano jir ahaa.

Geerida ku timid Dr. Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa ah mid ehelada, asxaabta iyo guud ahaan jaalliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalada Rochester ay aad uga wada naxeen.

Marxuumka ayaa waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo 4 carruur ah oo isugu jiray wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Geeridan murugada leh ee ku timid marxuumka ayaa waxa loogaga tacsiyeynayaa xaaskiisa, carrurrtiisa Dr. Cabdicasiis Cabdullaahi, xaaskiisa iyo inantooda, Dr. Shaafici Cabdullaahi iyo Axmed Cabdullaahi, reer Maxamed Xasan Nuur, eheladiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan jaalliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Rochester ee dalka Mareykanka.

Asagan waxaa Allaah loogaga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannaadii Fardowsa, AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN, intii kuu baxayna uu sabar iyo iimaan ka siiyo AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.

Add New Comment