Dabageed: “Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan”



DGeed.jpgGudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa soo dhoweeyey doorashadii shalay galab ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Dagabeed ayaa sheegay in doorashadaasi ay ku dhacday si cadaalad ah wuxuuna u hambalyeeyey madaxda cusub ee loo doortay maamulka Hirshabeelle.

“Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan, maxaa yeelay waa maamul xalaal ah oo doorasho ku yimid, waana la shaqeyn doonnaa” ayuu yiri gudoomiye dabageed.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaas iney la shaqeeyaan, gacmo furana ku soo dhoweeyaan maamulka cusub ee Hirshabelle, isagoo dhinaca kale xusay iney ka hortegi doonaan ciddii isku dayda iney carqaladeyso.

Mudanaaysaha Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha maamulkaas u doortay Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo Madaxweyne ku-xigeena u doortay Cali Guudlaawe oo ahaa guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe.


Add New Comment