Imaaraadka oo Soomaaliya ka caawineyso bixinta mushaarka ciidanka Xoogga dalka



Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta wada saxiixday heshiis ku saabsan bixinta qeyb ka mid ah mushaaraadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, kadib munaasabad lagu qabtay Muqdisho.

Heshiiska ayaa waxaa dhinaca dowladda si wada jir ah u saxiisay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Fargeeti iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cali Baashi Maxamed, halka dhanka dowladda Imaaraadka uu u saxiixay safiirka Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan, kaasi oo la xiriiro in Imaaraadka ay Soomaaliya ka caawineyso qeyb ka mid ah mushaarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed  Jeneraal Cali Baashi Maxamed  ayaa u mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta  bixinta qeyb ka mid ah  mushaaraadka ciidanka xoogga dalka.

“Waxaa farxad weyn noo ah in aan maanta u fadhino helidda mushaaraadka ciidanka qeyb ka mid ah, ujeedkeena waxa ay tahay in la helo waqti go’an oo la bixiyo mushaaraadka ciidanka, Imaaraadkuna way ku mahadsantahay sida ay inooga caawineyso” ayuu yiri Abaanduulaha.

Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta  Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamadi ayaa tilmaamay in ay diyaar u yahiin in dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan  bixinta qeyb ka mid ah mushaaraadka XDS, si ay u xoojiyaan howlgallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxameed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ciidanka u heli doonaan si joogto ah mushaaradkooda.

“Maanta waa maalin muhiim noo ah, in muddo ah waxaa laga hadlayay soo daahista mushaaraadka ciidamada, waxaan xal u raadineynay mushaaraadka soo daaha ee ciidanka, marka dowlada Imaaraadka waxa ay naga balan qaaday bixinta qeybo ka mid ah mushaaraadka ciidanka, hada wixii ka dambeeyana si joogta ah ayaa loo bixin doonaa Insha Allah” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka ayaa xusay in Xukuumadda ay ahmiyad gaar ah siineyso amniga.



Add New Comment