Taliyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray Jowhar



Wafdi saraakiil ah oo ka socda Ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa waxa ay maanta gaareen xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ee magaalada Jowhar oo uu maalmihii u dambeeyey  uu ka socday dhammeystirka dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe..

Wafdigan oo uu hor kacayey Taliyaha guud ee hawlgalka midowga Afrika Gen; Cusmaan Nuur Subagle, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaliya C/raxmaan Maxamed Odawaa iyo Goddoomiyaha cusub ee Barlmaanka Hir-Shabelle,Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, iyagoo ka sheekeystay xaaladda guud ee hab sami u socodka Shirka oo maraya heer gabagaba ah iyo sidii loo dhammaystiri lahaa.

Wafdigan oo uu ujeedkiisu ahaa u kuur gelidda xaaladda goobaha ay ka dhacayso doorashada Xidhibaannada Labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaliya u meteleysa Hir-Shabeelle,ayaa waxay sidoo kale kala hadleen arrimaha nabad gelyada Hay’adaha kala duwan ee ammaanka Gobolka Sh/dhexe.

 


Add New Comment