Galmudug oo noqotay maamulki ugu horeeyay ee soo doorta xubnaha aqalka sare



GMSOS white.jpgDoorashada xubnaha aqalka sare barlamaanka federaalka ee Soomaaliya uga midka noqon doona dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo maanta si buuxda loo soo dhammeystiray, ayado tani ay ka dhigan tahay in Galmudug tahay maamulkii ugu horreeyey ee shaaciya xubnihiisa.

Xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka sare ayaa ka kooban 8 xubnood, iyadoo maalintii shalay la doortay shan xubnood, halka maanta la doortay saddex.

Labo Haween ayaa ka mid ah Liiska xubnaha Aqalka sare ee matalaya Galmudug, kuwaasoo ka guuleystay Siyaasiyiin caan ahaa oo ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso Madaxweyne Xasan Sheekh.

LIISKA XUBNAHA LA DOORTAY:

1- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) Kursiga Beesha reer Xaaji Saleebaan H/gidir

2- Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid — Beesha Sacad H/gidir

3- Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) — Murusade

4-Yuusuf Geelle Ugaas — Beesha Duduble

5- Zamzam Dahir Maxamuud — Beesha C/raxmaan Saleebaan Waceysle

6- Jawaahir Axmed Cilmi — Beesha Cayr H/gidir

7- C/waaxid Cilmi Goonjeex — Beesha Mareexaan.

8- Abuukar Axmed Xaashi — Beesha Dir.


Add New Comment