Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta Cadaado gaaray



Taliayaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan saraakiil kale oo saaka safar dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada iyo madaxda dawlad goboleedka Galmudug.

Kulan gaar ah oo taliyaha Boliisku la qaaday madaxda Galmudug oo ka dhacay xarunta madaxtooyada KMG ee Cadaado ayaa looga hadlay baahiyada ciidamada Boliiska  Galmudug iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqayntynta ay la leeyihiin Boliiska Federaalka.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay inuu ahmiyad wayn u leeyahay safarka taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed uu maanta Cadaado ku soo gaaray.

Taliayaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo gaas  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay safarkiisa Cadaado uu daba joogo kormeer hawleed oo uu todobaadkan qaar ka mid ah gobolada wadanka ku marayay.

Kormeerkan uu taliyaha Booliska Soomaaliyeed ku marayo qaar ka mid ah deegaanada dawlad goboleedkyada ayaa ka mid ah dadaalada ciidamada Bosliika lagu xoojinayo.





Add New Comment