Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo



Bay B.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasi si duiirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo mas’uuliyiin kale oo kal tirsan maamulkaasi.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta maamulka Koofurgalbeen, waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.


Add New Comment