GUULEED: Maamulka Galmudug waxaa ka go’an inay Al-shabaab ka saaraan Deegaannadooda


CKXGuuleed.jpgMadaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku ammaanay ciidamada maamulkiisa la wareegitaanka ay shalay la wareegeen deegaanada Camaara oo ka tirsan gobolka Mudug oo ay Al-shabaab gacanta ku haysay muddo toddobaad ka badan.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guuleed ayuu ku sheegay in ciidamadiisa uu ku amaanayo guushii ay ka kasoo hoyeen deegaannada Camaara iyo Bacaad-weyne oo ay Al-shabaab dagaal la’aan ku qabsatay toddobaad ka hor.

“Ciidanka Galmudug guushii ay ka gaareen inay Al-shabaab ka xoreeyaan Bacaad-weyne iyo Camaara oo ka tirsan gobolka Mudug, waxayna tani billow u tahay qorshaha kooxaha argagaxisada ah looga sifeynayo deegaanada Galmudug, waxayna mudan yihiin in lagu ammaano tallaabadan iyo in laga taageero howlgalka soo celinta amaanka iyo nabadeynta deegaanada Galmudug ay ka taliso,” ayuu Guuleed ku yiri war-saxafaadeedkiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada-qayb-galo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada; ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM-na ay howlgalladan kaalin ka qaataan

“Waxaa loo baahan yahay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka qaybgalaan howlgallada ka socda deegaannada Galmudug ee looga saarayo Al-shabaab, waayo ciidamada Galmudug kaligood kuma filna dagaalka lagula jiro argagaxisada, si amni buuxa looga hirgeliyo deegaannadaas,” ayuu Guuleed ku yiri mar kale warbixinta uu soo saaray.

Guuleed oo sii hadlayay ayaa yir. “Maamulka Galmudug waxaa ka go’an in inta lagu jiro sannadkan 2015-ka deegaanada Galmudug oodhan ay gacanta dib ugu soo celiyaan, kana saaraan kooxaha nabad-diidka ah. Deegaannada haray ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Xarar-dheere,

Deegaannada Camaara iyo Bacaad-weyne ayaa ah deegaanno muhiim ah ah oo u dhaxeeya Cadaado iyo Hobyo oo ka mid ah goobaha ay Galmudug ka taliso. Iyadoo Guuleed uu yiri. “Howlgalladan waa billow qorshaha deegaannada Galmudug, waxaana naga go’an inaan nabad kusoo dabaalno deegaannada uu ka taliyo maamulka. Camaara iyo Bacaad-weyne waa deegaanno muhiim u ah, waxaana rajeynayaa in shacabka deegaannadaas ku nool ay ka faa’iideystaan fursadan lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku sheegay war-saxaafadeedkiinsa in shacabka ku nool deegaannada hoos-yimaada maamulkooda ay u ballanqaadayaan inay dib nabadda ugu soo celshaan, gaar ahaan kuwa weli ku jira gacanta Al-shabaab oo uu ku tilmaamay cadow diiddan nabadda iyo deggenaashaha Somalia oo dhan.

Add New Comment