Guddoomiyaha Barlamaanka oo maanta ka qaybgalay kulan looga hadlayey dib u eegista dastuurka



Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa cutubyo ka tirsan dastuurka KMG ah ee dalka, kaasi oo ay ka qeyb galeen Guddiga Baarlamaanka ee dasturka iyo kan madaxa banana ee dastuurka, isla markaana uu goob joog ka ahaa Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Inta uu kulanka socday ayaa Guddiga Madaxa banaan waxa ay Guddiga Baarlamaanka ee dastuurka ku wareejiyeen cutubka koowaad iyo afaraad oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen, si loo horgeeyo Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana xubno ka tirsan guddiga Baarlamaanka ay kan madaxa banaan ku wareejiyeen dhankooda cutubyada labaad, saddexaad iyo shanaad, si ay turxaan bixin ugu soo sameeyaan, kuwaasi oo ahaa dhanka farsamada.

Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee baarlamaanka Federaalka ah Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ka guddoontay Guddiga madaxa banaan ee dastuurka cutubyada aan kor ku soo xustay ayaa tilmaamtay inay sii wadayaan latashiyada ku aadan arrimaha dastuurka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay in goordhaw ay dhameyn doonaan dib u eegista lagu sameynayo dastuurka, isagoo tilmaamay in haatan arrimaha dastuurka ay meel wanaagsan marayaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa ku bogaadiyay guddiyada baarlamaanka ee dastuurka iyo kan madaxa Banaan howlaha ay hayaan, si waxyaabaha ay ka soo turxaan bixiyeen loo horgeeyo golaha shacabka.


Add New Comment