Wasiir Odowaa oo maanta loo dhaariyey in uu ka mid noqdo xildhibaannada Barlamaanka


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa)  ayaa maanta loo dhaariyay in uu ka mid noqdo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo buuxin doona xubinimadii uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in uu jiro  Xildhibaan lagu bedelayo booska Xildhibaankii geeriyooday Abtidoon, waxaana si lama filaan ah kulanka u hor-yimid Wasiir Odawaa oo lagu bedelay Xildhibaanka.

.Xubinimada Wasiir Odawaa ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo la hadal haayo warar sheegaya inuu jiro isku shaandheyn lagu sameynayo Xukuumadda Soomaaliya.


Add New Comment