Barlamaanka Puntland oo guddoomiye cusub doortay



Axmed Cali Xaashi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe, kaasoo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa helay 41 cod wareegii labaad, halka musharaxii kale ee tartamayay uu isna helay C/xakiin Dhooba-daareed uu isna helay 22 cod.

Musharaxa laga guuleystay Dhooba-daareed ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee la doortay, waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay, waxaana uu si kaftan ku jira u yiri in doorashada ay ku tartamayeen nin iyo dowlad oo ugala jeeday in Axmed Cali Xaashi ay taageereysay Madaxtooyada Puntland.

Axmed Cali Xaashi ayaa waxaa aad u taageerayay Madaxtooyada Puntland, waxaana xalay soo baxayay warar sheegaya in xubno ka tirsan Wasiirada Puntland ay olole ugu jireen sidii uu xilkan ugu guuleysan lahaa.

Waxaa uu noqonayaa Guddoomiyihii labaad ee Baarlamaanka Puntland, kadib markii bishii Janaayo ee sanadkii 2014 la soo doortay Maamul cusub oo uu hogaaminayay C/wali Gaas, iyadoo Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilligaas la soo doortay Saciid Xasan Shire uu is casilay dhowaan.


Add New Comment