Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul-wasaarihii hore Norway



Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Norway, Mr Kjell Magne Bondevik, oo haatan ah madaxa hay’adda loo yaqaano Oslo Centre for Peace and Human Rights.

Madaxweynaha iyo Mr Bondevik ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal iyo kaalinta hay’adda Oslo Centre for Peace ay ka qaadan karto dhismaha asxaabta siyaasadeed iyo dimoqraadiyeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay waddamada hormuudka u noqdey dib u dhiska Soomaaliya, mashaariicda ay dalka ka fuliyeenna ay yihiin kuwo muuqda.

Mr Bondevik ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, isagoo intaa raaciyay in hay’adda uu madaxda ka yahay Oslo Centre for Peace and Human Rights ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhismaha hay’adaha siyaasadda iyo fidinta dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamanka, Jeylaani Nuur Iikar, iyo mas’uuliyiin kale.

 K Bundevik.jpg



Add New Comment