Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon oo Wakiil Cusub u soo magacaabay Arrimaha Soomaaliya


keating b.jpgXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa shalay oo Isniin ahayd u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Somalia, Michael Keating oo u dhashay dalka UK, isagoo bedeli doona Danjire Nicholas Kay oo hadda haya xilka maamulka xafiiska UNSOM.

Ergayga QM ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa waxay  shaqadiisu ku eg-tahay bisha nagu soo fool leh ee December, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeya uuu xilka la wareegi doono danjiraha cusub ee QM, Michael Keating.

Ban Ki-Moon ayaa uga mahadceliyay Nicholas Kay howshii uu soo qabtay intii uu hayay xilka UNSOM ee Somalia, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa geesi si hufan howshooda uga soo baxay, uuna shaqeynayay muddo laba sano iyo bar ah oo Somalia ay ku jirtay xaalad adag oo ay barbar socotay isbedel siyaasadeed.

Wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee QM uu u soo magacowday Somalia, Keating ayaa imaanaysa xilli Somalia ay ku jirto lagu jiro kala-guur siyaasadeed iyo xoojinta nabadda dalka; wuxuuna ergaygani uu ahaa tan iyo sannadkii 2012-kii agaasimaha Chatham House.

Sidoo kale, Keating ayaa wuxuu horay u soo noqday la-taliyaha guud ee xoghayaha QM ee Arrimaha Suuriya. Wuxuu kaloo ku xigeenka u ahaa Wakiilka gaarka ah ee Ban Ki-Moon iyo Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadamnimo ee Afgaanistaan intii u dhexeysa 2010-kii illaa 2012-kii.

Dhanka kale, wuxuu horay QM uga soo qabtay xilal kala duwan; isagoo kasoo shaqeeyay dalalka kala ah; Malawi, Gaza/Jerusalem, New York, Afghanistan iyo Pakistan. Dhanka shaqooyinka gaarka ah wuxuu kasoo shaqeeyay shirkado gaar loo leeyahay; isagoo inta badan ka howlgeli jiray arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha iyo barnaamijyada horumarinta.

Ugu dambeyn, Michael Keating ayaa ka bartay cilmiga Taariikhda Jaamacadda Cambridge ee dalka Britain, wuxuuna ku dhashay sannadkii 1959-kii magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda, isagoo leh xaas iyo afar carruur ah.

Add New Comment