Weriye Axmed Xasan Cawke Oo Geeriyooday



Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa weriyayaasha ugu caansanaa kuwa Soomaalida ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Axmed Xasan Cawke oo ka tirsanaan jiray Radio Muqdisho, BBC Somali, VOA Somali iyo Universal Somali TV ayaa waxaa kusoo booday xanuun lama filaaan ah, sida uu warbaahinta u sheegay weriye Cabdisalaam Hareeri oo ay muddo wada shaqeynayeen.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo lix caruur ah.

Marxuum Cawke waxaa Allaah loogaga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadii Fardowsa, sabar iyo iimaan uu ka siiyo eheladiisii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda warbaahinta oo uu ka mid ahaa raggii ugu magaca dheeraa.

Add New Comment