Ergeyga Shiinaha ee QM oo ku baaqay dardar-gelinta hannaanka nabadda Soomaaliya



Danjiraha Shiinaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay dardar-geliso hannaanka nabadda Soomaaliya si loo joogteeyo nabadda iyo xasilloonida ka jirta dalka.

“Shiinaha wuxuu ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay raacdo mabaadi’da hoggaanka Soomaaliya isla markaana ixtiraamto masiirka Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Liu Jieyi, oo ah wakiilka joogtada ee Shiina u qaabilsan Qaramada Midoobay, wuxuuna hadalkan ka yiri kulan Golaha Ammaanka oo diiradda lagu saarayay xaaladda Soomaaliya.

Liu wuxuu kaloo ku baaqay dadaallo si firfircoon looga caawinayo dowladda federaalka Soomaaliya inay horumariso awooddeeda dowladnimo, laguna xoojinayo dhismaha hay’adaha heer hoose iyo horumarinta dib u heshiisiiinta bulshada.

“Waxaan rajeyneynaaa in dhammaan dhinacyada Soomaaliya ay ku shaqeyn doonaan danaha guud ee mustaqbalka dalka iyo dadkiisa, xallinta khilaafaadkooda iyagoo u maraya wada-hadal iyo wada-tashi, si ay si wadajir ah u ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida dalka,” ayuu yiri Danjiri Liu.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ayaa ansixiyay qaraar lagu dhisayo Xafiiska Caawimadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) kaas oo howsha kala wareegaya xafiiska Caawimadda Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOA).


Add New Comment