Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo New York uga Qayb-galay shir looga hadlay Arrimaha Soomaaliya


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo gaaray magaalada New york ee Maraykanka , isagoo uga qaybgalaya shir looga hadlayo horumarka Soomaaliya, kaasoo ay ka soo qayb galayaan mas’uuliyiin ka tirsan Qarmada Midoobay.

Shirka oo uu shir-gudoominayay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Philip Hammond ayaa looga hadlay hormarka Somalia ee dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana shirka goob-joog ka ahaa xubnaha Golaha Ammaanka ee QM.

Xoghayaha Arimaha dibadda Britain oo shirka furay ayaa soo dhaweyn iyo mahad-celin kaddib, wuxuu sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay tageeridda hormarka Somalia ka socda, madaxda dowladda Soomaaliyana looga baahan yahay inay sii wadaan howsha ay dalkooda kug aarsiinayaan horumarka.

Sidoo kale, dhammaan madaxdii ka hadashay kulankan ayaa sheegay inay la dhacsan yihiin iftiinka hormar ee Spmalia kasoo bidhaamay, ayna  diyaar u yihiin inay taageeraan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Maraykanka Samantha Power oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in Somalia uu horumar ka muuqdo, caalamka looga baahan yahay inay taageeraan horumarkaas, waxayna haweenaydu carrabka ku dhufatay bandhig buugaageedki dhawaan ka dhacay Muqdisho oo ay sheegtay in laga fahmi karo Somalia oo dib u soo noqonaysa.

Dhanka kale, RW Cumar C/rashiid oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Somalia ay cagta-saartay jidkii nabadda iyo hormarka; isla markaasna ay dowladiisu codsanayso in caalamku uu Somalia oo dal hodan ah maal-gashtaan una abuuraan shaqooyin iyo kobac dhaqaale.

Sharma’arke wuxuuna intaas ku dartay in dowladdiisu dagaal kula jirto kooxo argagixiso ah; adduunkana looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii looga hadkaan lahaa kooxahaas oo uu sheegay inay khatar ku yihiin caalamka oo dhan.

Mar uu dhinaca dhaqaalaha ka hadlayay ayuu sheegay inaysan u waxyeeleyn guulihii la gaaray, RW oo arrimaha ammaanka kasii hadlayay ayaa yiri shaqo la’aan iyo dhaqaale-xumadu waxay caawinayaan argagixisada; waxayna ka faa’iideysanayaan dhallinyarada saboolnimada la nool.

RW Somalia ayaa xusay in burcad-badeedu ay hoos u dhacday, balse ay soo badanayaan kalluumaysiga sharci-darrada ah oo khatar ku ah khayraadka dalka Soomaaliyeed, isla markaasna ay dowladda Soomaaliya caalamka ka codsanayso in laga caawiyo wax ka qabashada kalluumaysiga sharci-darrada ah ee kheyraadkeeda lagu guranayo.

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya oo gaba-gabada qudbadiisa kusii siqaya ayaa sheegay in dowladdu ka shaqeynayso dhameystirka dastuurka iyo gaarista doorashada 2016-ka la filayo,  Gaba-gabadii shirka oo saacado kaddib ayuu ra’iisul wasaaraha Somalia, sidoo kale wuxuu shirar kale oo gaagaban la yeeshay madax-dawladeed iyo kuwo hay’adeed oo arrimaha Somalia daneeya, iyagoo ka wada-hadlay xaalka dalka iyo sii xoojinta amniga iyo hormarka la gaaray.


Add New Comment