Madaxweynaha Jabuuti mudane Geelle oo maanta loo caleemasaaray xilka madaxweynenimo ee dalkaasi



Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa maanta markii afaraad loo caleemasaaray xilka madaxweyninimada dalka Jamhuuriyadda Jabuuti muddada shanta sano ah ee soo socota.

Munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha ayaa waxaa ka soo qeybgalay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka caalamka.

Madaxda ka soo qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Somaliya, Madaxweynaha Sudan, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweyne Ku Xigeenka Uganda, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, wafuud heer Wasiiro, Wakiilo ka kala socday Wadamada Caalamka qaarkood iyo marti sharaf kaloo lagu soo casuumay.

Mudane Geelle ayaa lagu dhaariyay munaasabadan oo ka dhacday guriga Ummadda ayaa waxa uu Madaxweynuhu ku ballanqaaday in uu si caadil ah ku hogaamin doono shacabka Jabuti.

Ma aha markii ugu horeysay ee Madaxweynaha dalka Jabuti loo dhaariyo xilka madaxtinimada dalkiisa. Waxayna dhaarintan timid markii uu dhowaan ku guuleystey doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti.

Add New Comment