Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay qeyb ka mid qalabka Maamulka Hawada



space B.jpgDowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay qeyb ka mid ah qalabkii lagu maamulayay Saadaasha Hawada Soomaaliya, iyadoo qalabkan uu ka saacidayo sidii ay ula socon laheyd adeega saadaasha Hawada iyo la socodka diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa shalay Muqdisho keenay qalab ka mid ah adeegga maamulka hawada Soomaaliya, isagoo xusay in qalabkan uu yahay markii u horeysay oo Soomaaliya la keeno muddo 35-sano kadib.

Amb. Jamaal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya isu diyaarineyso maamulida hawada Soomaaliya, isagoo xusay in Ururka IGAD iyo Hey’adda ICAO ay gacan ku siiyeen qalabkan in lagu soo wareejiyo dowladda.

“Qalabkan wuxuu ka kooban yahay Computero iyo adeegii saadaasha hawada oo markii u horeysay Soomaaliya la keeno, waxaa gacan naga siiyay IGAD iyo Hey’adda ICAO, dowladda Soomaaliya waxay la soo wareegi doontaa inta ka hartay maamulka Hawada Soomaaliya”ayuu yiri Amb. Jamaal.

Waxaa uu sheegay in dhowaan dalka la keeni doono Satelite Radar oo lagu ogaanayo diyaaradaha isticmaala hawada, laguna koontaroolayo hawada Soomaaliya oo dhan.

Hey’adda ICAO oo hoos tagta Qaramada Midoobey ayaa maamuleysay hawada Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991, markii ay dhacday dowladdii Dhexe, waxaana hey’adan xafiis ku laheyd magaalada Nairobi.


Add New Comment