FARMAAJO: Booqashadii uu Muqdisho ku tagay John Kerry Waxay Muhiim u tahay Soomaaliya


Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo Wareysi siinayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka hadlay booqashadii maalin ka hor uu Muqdisho ku yimid Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry, isgaoo ku tilmamaay mid muujinaysa in Mareykanku diyaar u yahay inuu garab-istaago Somalia.

Farmaajo ayaa ku boorriyay madaxda dowladda Somalia inay muujiyaan in ay yihiin dad doonaya inay horay u socdaan si loo caawiyo, isagoo xusay in hadal iyo warqado lagu dal-bado kaalmo aysan jirin cid adduunka wax ku bixxinaysa.

“Waxaan u arkaa booqashadii uu John Kerry uu ku tagay Muqdisho mid aad muhiim u ah oo muujinaysa in dowladda adduunka ugu xoogga weyn uguna dhaqaalaha badan ay diyaar u tahay inay garab-istaagto Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in Kerry uu si gaar ah ugua mahad-celiyay horumarka ay Somalia gaartay, isagoo arrin la wada og-yahay sheegay taas oo ah in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad ad-adag oo labaatameeyo sano oo dalku ay colaado ka jireen ay is-hayeen, dal caalamka ku yaalla oo sidaas oo kale yeeli karana uusan jirin.

“Anigu waxaan oran karaa Somalia waxay la mid tahay sida ruux buka oo u tagay dhakhtar, haddii uusan ruuxu sheegin halka laga hayo dhakhtarku ma daweyn karo… marka waxaa loo baahan yahay shacabka iyo dowladda inay dareemi karaan halka laga hayo. Dowladdana waxaa laga doonayaa inay ka tarjumayso dareenka dalkeeda,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Caalamka markii uu ku caawinayo adigana waxaa lagaa doonayaa inaad marka hore muujisaan oo aad is-caawinaysaan, taasoo muujinaysa in aad tahay qof horay u socda, marka waa lagu caawin karaan, balse hadaad warqad dhiibto oo aad tiraahdo waa in la i taageero… taas cid kugu taageeraysa ma jirto.”

Su’aal ahayd in booqashada Kerry uu Muqdisho ku yimid ay wax ka bedeli doonto hab-sami u socodka dowladda hadda jirta, ayna dhiirrigelin u tahay inay muddada kooban ee hartay wax lagu qabto, ayuu kaga jawaabay?

“Mar walba Mareykanka diyaar ayuu u ahaa inuu Somalia caawiyo, laakiinse Soomaaliya ayaa laga doonayaa inay iyaduna dhankeeda diyaar u tahay inay diyaar u noqoto in la caawiyo. Wuxuuna John Kerry hadal uu jeediyay ku yiri idinka (Somalia) ayay idin ka go’an tahay horumar dalkiinna iyo shaqadiisa. Marka dowladda ayaa laga doonayaa inay muujiso meelaha ay doonayso in laga caawiyo, waayo hadal waxba ma tarayo ee wax-qabad ayaa la rabaa.”

Dhanka kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia ayaa xusay in loo baahan yahay in la dhiso ciidan Qaran, isagoo sheegay in madaxda uu dhawaan ka maqlay inay dhisayaan ciidammo Qaran, balse aan loo baahayn in niyadda laga jabiyo ciidamada geesiyaasha ah ee Al-shabaab la dagaalamay. Isagoo ku taliyay in ciidammo walba halka ay ku habboon yihiin la geeyo, haddiise la yiraahdo ciidammo ayaa la dhisayaa waxay niyad ku noqonaysaa askariga qoriga u wata inuu dalkiisa difaaco.

“Ciidamada Somalia waa kuwo geesiyaal ah oo ku guuleystay inay Muqdisho ka saaraan oo ahayd meeshii xudunta u ahayd, godadkana ugu galay Al-shabaab. Marka askarigii shalay dhintay iyo kan maanta diyaarka u ah inay dhintaan ma oran karid waa ciidan beeleed, waana waxyaabaha ciidamada niyadda ka jabinay. Madaxda Qaranka waxaan u sheegayaa inaysan niyad-jabin ciidamada, waayo waa kuwo Qaran oo calanka Somalia ayaa garabka ugu xiran,” ayuu Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in dowladnimadu aysan ahayn hadal, balse loo baahan yahay in wixii la qabto la tuso shacabka Soomaaliyeed, hadalka iyo ficilkkuna is lahaadaan. Isagoo ku boorriyay madaxda dalka inay joojiyaan hadalka badan oo ay wax-qabad muuqda la yimaadaan, si ay kalsoonida shacabkooda u helaan; taasoo sabab u noqon karta in Al-shabaab laga adkaado.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inaysan quusan oo ay Alle ku xirnaadaan, isla markaana ogaadaan in dhibaatada hadda jirta laga gudbi doono, sida kuwii horay u jirayba looga soo gudbay.


Add New Comment