Malaayiin reer UK ah oo u dareeray goobaha cod-bixinta


Saakay aroortii ayaa 50 milyan oo dadka waddanka Ingiriiska waxa ay u dareereen goobaha cod bixinta, kaddib markii muddooyinkii ugu dambeyey ay si xowli ah u soconayeen ololeyaal ay xisbiyada ugu jireen soo jeedashada cod-bixiyeyaasha.

Xisbiyada waaweyn ee UK ayaa tartan ugu jira in ay iyagu helaan codad aqlabiyad ah, taasoo dadka wax saadaaliyana ay ku sheegeen in ay adag tahay in xisbi qura uu ku guuleysto tiro kaga filan soo dhisidda dowladda soo socota, hase ahaatee waxa suurtagal in ay markiiba abuurmaan isbaheysiyo garabyada midigta iyo bidixda ah.

Dadka cod-bixiyeyaasha dalkaasi ayaa waxa ka mid ah boqolaal kun oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, sidoo kalena waxa jira jaalliyad xoog badan oo ka soo kala jeeda qaaradaha Asia iyo Africa.

Natiijada doorashada ayaa ah mid la ogaan doono oo qura kaddib marka ay soo idlaato tirinta codadka, natiijadana waxay saameyn ku yeelan doontaa siyaasadda caalamka guud ahaan, gaar ahaan xaaladda daka reer UK.

Add New Comment