Wafdi xildhibaano barlamaanka federaalka oo gaaray magaalada Cadaado


Wafdi ballaaran oo ka kooban xildhibaanada barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo uu haatan ka socdo shir maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee dalka.

Wafdigan mudanayaasha barlamaanka ayaa waxa hoggaaminaya xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi, waxaana Cadaado si weyn ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka kala tirsan maamullada gobolka Galguduud, Ximan iyo Xeeb iyodadweyne aad u fara badan.

Xildhibaanad Xaaji Cilmi ayaa mar ay magaalada Cadaado kula hadleysay warbaahinta sheegtay in ujeedada booqashada ayada wafdigeedaba ay ku soo gaareen magaalada ay tahay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dadaallada socda ee lagu doonayo in gobollada dhexe loogu dhiso maamul qayb ka noqda dowlad-goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa waxa haatan ku sugan wufuud fara badan oo isugu jira siyaasiyiin, wax-garad, odayaal-dhaqameed iyo maamullada ka jira gobollada dhexe ee Ximan iyo Xeeb, Gal-Mudug, maamulka dowladda ee gobolka Galguduud iyo xubno isugu jira golayaasha dowladda federaalka.

Add New Comment