MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: Muddo Kororsi ma jirayso Marka la Gaaro Sannadka 2016-ka


hasan.jpgMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu aysan ku darsan doonin xilli dheeraad ah marka la gaaro sannadka 2016-ka markaasoo la filayo inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah.

Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay booqashadii uu John Kerry dhalay ku yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay in booqashadaas ay ahayd mid taariikhi ah oo ka turjumeysay heerka ay Somalia gaartay maanta.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sharraxaad ka bixiyay doorashooyinka ka dhici doono Somalia sannadka 2016-ka, wuxuuna xusay inay shardi kaliya ahayn in deegaannada iyo tuulooyinka doorasho ka dhacdo haddii aan la gaari karin.

“Ma ahan shardi ah in tuulooyinka iyo deegaannada in doorasho ka dhacaan, haddii aan la gaari karin magaalooyinka ayay doorashadu ka dhici doontaa, sida caasimadda. Sannadka 2016-ka waxaa naga go’an in dalka doorasho ka dhacdo,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa mar kale sheegay inaanay jirin xilli kordhin loo sameeyo dowladdiisa, iyadoo qodobkan uu ahaa waxyaabihii uu kala hadlay John Kerry oo sheegay in sannadka 2016-ka ay Somalia ka dhici doonto doorasho.

“Waan ku cel-celinay wax xilli kororsi ma jiri doonto marka la gaaro Sannadka 2016-ka. Dowladdii bedeli lahayd middan ayaa imaanaysa taasoo ku imaan doonta qaab doorasho ah; waayo kororsiimo la sameeyo waxaan is-qabqabsi ahayn lagama faa’iidayo,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday in 300 oo qof ay soo codsadeen inay ka mid noqdeen guddiyada doorashooyinka, xuduudaha iyo dib u eegista dastuurka, isagoo xusay in tallabadaas ay billow u tahay Hiigsiga aragtida Sannadka 2016-ka ee Somalia.

Ugu dambeyn, inkastoo madaxweynuhu uu hadalkan sheegay haddana dad badan ayaa shaki ka qaba in sanadka 2016-ka ay dalka doorasho xor ah ka dhici doonto, maadaama dowladdu aanay ahayn mid awood leh oo amniga dalka oo dhan sugi karta.


Add New Comment