John Kerry oo soo gaaray magaalada Muqdisho


Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka Mr.John Kerry, ayaa saakay booqasho aan horey loo sii shaacinin ku soo gaaray  xarunta dalka Soomaaliya ee magalada Muqdisho.

Mr. Kerry ayaa la sheegayaa in uu garoonka Aadan Cabdulle kulamo kula yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya mudan Xasan Sheekh Maxamuud, ra'iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid, madaxda maamul-goboleedyada Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah.

Xoghayaha ayaa sida la sheegay madaxda Soomaalida kala hadli doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, xaaladihii u dambeeyey ee ku soo kordhay guud ahaan amniga gobolka, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya.

Mr. Kerry ayaa noqonaya xoghayihii arrimo daibadeed ee Mareykan ah ee ugu horreeyey ee booqasho ku yimaada dalka Soomaaliya.


Add New Comment