Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Yalho ee Gobolka Bari


Dagaalkan ayaa la sheegay in uu xalay ka dhacay bar-kaantarool oo ku taalla deegaanka Yalho, kaasoo billowday kaddib markii maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamo daraawiish ah oo halkaasi bar-kartarool ku leh.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse qof ka mid ahaa dadka rakaab ah xilliga uu dagaalku ka socday duleedka Yalho halkaas ku sugan ayaa VOA u sheegay in uu arkay baabuur nooca dagaalka ah oo gubanaya.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale VOA u sheegay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay gaadiidkii ka soo baxay magaalada Boosaaso iyo kuwii ka yimid magaalada Garoowe ay muddo saacaddo ah ku xannibeen duleedka halka uu dagaalku ka dhacay.

Dhinaca kale hal qof  oo rayid ah ayaa ku dhintay kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku soo qaadeen bar-kantarool oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso iyadoo ciidankii halkaasi ku sugnaa ay iska caabiyeen raggii soo weeraray.

Raggii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in goobta ka baxsadeen


Add New Comment