Caydiid Ilka Xanaf oo xilka laga qaaday


Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka, Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf, waxaana isla wareegtadaasi lagu magacaabay guddoomiye cusub oo ay maxkamaddaasi yeelanayso, kaasi oo la yiraahdo Ibraahim Iidle Suleymaan.

Isla maanta ayaa guddoomiyaha cusub loo dhaariyay xilkiisa.

Ibrahim Idle Suleymaan waxa uu ahaa garyaqaanka guud ee Somaliland ka hor inta aanu toddobaad ka hor istiqaaladiisa u gudbin Madaxweyne Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo.

Ibrahim Idle Suleyman waxa uu muddo waxbarasho ugu maqnaa dalka Konfur Afrika, isagoo haya xilka garyaqaanka guud ee Somaliland inksatoo uu fasax qaatay haddana markii uu soo laabtay ayuu is casilay.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waxa shaqada looga fariisiyay guddoomiyhii maxkamadda racfaanka Xasan Maxamad Cali

Caydiid Cabdilaahi Ilka Xanaf ayaa xilka guddoomiyaha maxkamadda sare hayay tan iyo sanadkii 2011-kii, markaas oo uu wareegto ku magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.


Add New Comment