Kooxo Hubeysan oo ku dilay Suuqa Bakaaraha Sarkaal horay uga tirsanaa Ururka Ahlusunna


Kooxo Hubeysan ayaa gellinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho sarkaaal horay uga tirsanaa ururka Ahlusunna Waljamaaca, kaasoo dhawaanahan ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ruuxa la dilay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Shidane Diiriye oo lagu naaneysi jiray (Daqarre) uu xilliyadii lasoo dhaafay ahaa ganacsade ku nool dalka Koofur Afrika.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ninkan uu sannadkii 2008-dii ka mid ahaa saraakiisha Ahlusunna ee dagaalka kula galay xoogagga Al-shabaab Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia, isagoo mar soo noqday taliyaha amniga degmada Guriceel.

Kooxihii dilkiisa geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyagoo dhowr xabbadood kaga dhuftay qaybaha saree e jirkiisa, taasoo keentay inuu goobta ku ruux-baxo.

Ciidamada booliiska Somalia oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaysan u suuro-gelin inay gacanta ku dhigaan kooxihii dilka marxuumkan geystay, iyadoo goor dambe maydkiisa goobta laga qaaday.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilkan, balse dilalka noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa inta badan mas’uuliyadooda sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, iyadoo todobaadkii hore lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlmaankii KMG-ka ahaa ee Somalia.


Add New Comment