Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Muqdisho


Kulanka guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir oo maanta ka dhacay xarunta dowladda hoose Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ku xigeenaddiisa ,taliyaha qeybta Boliiska ee magaaladda Muqdisho iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan maamulka.

Saraakiish ciidanka Booliska iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa warbaxino looga dhagaystay kulanka kuwaas oo ku saabsan Amaanka Caasimdda dalka ee Muqdisho iyo howlaha adeegyada bulshada ee degmooyinka.

Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ah guddoomiayha gobalka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa amaanay saraakiish Booliska Soomaaliyeed sida ay xil isaga saareen xaqiijinta ammaanka Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaaax Cumar Xalane oo kulanka kadib la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in kulanka maanta diirada lagu saaray adkeynta ammaanka magaalada Muqdisho iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay ku howlan tahay soo celinta bilicda magaalada Muqdisho isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed eek u nool gobolka Banaadir in ay qeyb ka qaataan dhowrista magaalada Muqdisho.

Kulamada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha laamaha ammaanka ayaa diiradda lagu saaraa hadba xaaladaha Muqdisho waxa ku soo kordha.

Add New Comment