Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee Turkey oo Shir soo gebagebeeyey


Shirkan labada maalmood uga socdey magaalada Ankara  ee caasimadda dalka Turkiga  midowga ardeyda Soomaaliyeed ee wadanka Turkey ayaa waxaa isugu yimid horjoogiyaasha ardeyda Soomaalida ,ayagoo shirkooda uga hadley wax qabka Ururka iyo howlaha horyaala.

Ardeyda ayaa waxay ka kala yimaadeen Magaalooyinka ; Ankara, Istanbul, Antlya, Isparta, Koya, Samsun, Edirne, Bursa, Izmir, Eskişehir,iyo weliba kuwo kale.

Gudoomiyaha midowga ururka ardeyda Soomaaliyeed ee Turkey Mr Cabdinasir Xasan Caabi ayaa sheegey in kulankooda u la jeedadiisa ay aheyd in laga dhabeeyo hadafkii loo aasaasey Ururkan ay ku midoobeen ardeyda Soomaalida guud ahaan wadanka Turkey wax kabarata.

MraCabdinasir ayaa waxaa uu sheegey in uu wax weyn qabtey Ururka UMASET tan iyo markii  la aasaasey,waxaana uu sheegey in ay dhamaan ardeyda Soomaaliyeed ee wadankaTurkiga wax kabarata ay ku mideysanyihiin Ururkan.

U qeybsanaha waxbarasha iyo dhaqanka Safaarda Soomaaliya ee Wadanka Turkey Cabdulcaziiz  Xasan oo kulanka ka Hadley ayaa sheegey in loo baahanyahay in kor loo qaado tayada waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed ee wadankanTurkiga.

Mr C/casiis ayaa sidoo kale sheegey in ay ardeyda Soomaalida wadanka Turkey wax badan oo ku dayasho ah mudanyihiin loona baahanyahay in horey loo sii wado,isagoo ardeyda u balan qaadey wax alaale wixii ay ugu baahanyihiin Safaarada loo fududeeyn doono.

Cabdicasiis Caaqil oo ah gudoomiya golaha wadatashiga ururka UMASET oo ka hadley kulanka ayaa sheegey in shirkooda ay ku ansaxiyeen Dastuurkii uu ku dhaqmi lahaa Ururka midowga ardeyda Soomaaliyeed ee UMASET iyo qorsha howleedka ay soo gudbiyeen golaha fulinta ururka.

Add New Comment