Jarmalka oo Soomaaliya ka caawinayo inay gaarto isku filnaasho



Safiir ku xigeenka safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya Christian Resch oo maanta nagu soo booqday xafiiska Bar-kulan ee Nairobi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawinayaan sidii ay u gaari laheyd isku filnaasho, dhinaca nabadda iyo horumarka ah.

Wuxuu tilmaamay in dowladdiisu ay Soomaaliya ka taageereyso sidii loo xaqiijin lahaa hiigsiga 2016-ka, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Jarmalku uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah.

Christian Resch ayaa tilmaamay in dowladda Jarmalka ay barnaamijyo horumar iyo wacyigelin ay kawaddo Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Baay, isagoo carabaabay inay sii kordhin doonaan barnaamijyada ay kawadaan Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ayuu xusay inay qorsheynayaan inay si rasmi ah ugu wareegaan magaalada Muqdisho, balse marka hore ay dowladda kala shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga.

Safiir ku xigeenka Jarmalka ayaa xusay in la joogo xilligii Soomaaliya ay wax la qeybsan laheyd dunida inteeda kale, isagoo ku dhiirageliyay bulshada Soomaalida inay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.

Add New Comment