Ra'iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta gaaray magaalada Cadaado


adaa do.jpg

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoo lagu wado inuu furo wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Wafdiga ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado, wasiiro ka tirsan xukuumadda, maamulka Ximan iyo Xeeb, qeybaha bulshada iyo odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul-wasaaraha ayaa kulamo la leh mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda, maamulka Ximan iyo Xeeb iyo odayaasha dhaqanka, waxaana la filayaa inuu galabta furo wajiga labaad ee shirka maamul-u-sameynta Gobollada Dhexe oo lagu ansixin doono dastuurka uu yeelanayo maamulka.

Wararka ayaa sheegaya in goobta lagu qabanayo shirka aad loo xardhay, isla markaana ammaankiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaas gaaray.

Guddiga Farsamada ayaa sheegay inay inta badan xareeyaan ergada shirka ka qeyb galaya, isla markaana ay rajo ka qabaan in la xaliyo cabashooyinka qaar ee ay tabanayaan Beelaha, waxaana tan iyo xalay ka socday Cadaado kulamo.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorsheynta, xildhibaano iyo siyaasiyiin, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa xalinta caqabadaha ka dhashay qeybsiga saamiga beelaha ee ergooyinka.


Add New Comment