Madaxweyne Shariif Xasan oo ka hadlay Mooshinka Baarlamaanka Jubba



ShXShA.jpg

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay Arrimo badan oo ay kamid yihiin Mooshinka Xildhibaanada Soomaaliya ay ka keeneen Dhismaha Golaha Wakiilada Jubba iyo Dagaalka Al-shabaab.

Mudane Shariif Xasan  Sheikh Aadan ayaa Tilmaamay in uu soo dhaweynayo Mooshinka laga keenay qaabka loo dhisay Baarlamaanka Jubba islamarkaana uu aaminsan yahay in Mooshinka Xal lagu raadinayo.

"Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay Mas’uul ka yihiin Shacabka Soomaaliyeed waxaa jira Beelo Cabanaya oo wax ka daga Jubbooyinka waana taas mida Mooshinka lagu keenay”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladiisa aay sii wadayso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab hadana uu qeybo kamid ah ka bilowday Baay iyo bakool.


Add New Comment