Wasiirka difaaca ee Soomaaliya oo Cadaado lagu soo dhaweeyay



CSCDiini.jpg

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa gaarey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxana Wasiirka socdaalkiisa ku weheliyey xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno.

Wasiirka ayaa waxaa kusoo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee degmada Cadaado  maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha bulshada ee deegaanka, iyadoo soo dhaweynta kaddib loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Ximan iyo Xeeb, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayo Mas’uuliyiin kala duwan.

Adado visit.jpg


Add New Comment