Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Sheegay in Wajiga labaad ee Shirka Cadaado uu Furmayo Berri



Cabdiraxman Odowaa.jpg

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka Cadaado uu furmayo maalinta Axadda ah ee berri ah, isagoo xusay in qaybtan ay tahay middii ugu muhiimsanayd shirka.

C/raxmaan Odawaa ayaa hadalkan ka sheegay shir lagu qabtay degmada Cadaado, kaas  oo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddiga Farmsada shirka Cadaado iyo qaar ka mid ah Murashaxiinta xilka madaxnimo ee maamulka Gobollada Dhexe u Tartamaya.

“Qaybtan waa tan ugu muhiimsan shirka oo dhan, waxaana lagu dhisi doonaa maamulka Gobollada Gal-guduud iyo Mudug,” ayuu yiri Wasiir Odawaa oo Xusay in Guddiyada Shirka la dhameystiray.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Shirka Cadaado, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo iyaduna goobta ka hadashay ayaa sheegtay in munaasabaddan ay ugu talo-galeen is-dhex-galka bulshada, ergooyinka shirka ka qaybgalayna oo 300 ahna ay isku arkayaan.

“Waxaan munaasabaddan ugu talo-galnay is-dhexgalka bulshada, iyo ergooyinka shirka oo 300 oo Ergay ah inay isku arkaan. Waxaana u Samaynay Wacyi-galin,” ayay tiri Xaliimo yare oo intaas raacisay in sidoo kale ay goobta isku arkeen musharixiinta si ay ra’yigooda uga dhiibtaan.

Madaxwayne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb, Col. Cabdi Maxamed Suldaan Axmed-Nuur oo isna hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xil-weyn iska saarayaan sidii uu ku guulaysan lahaa shirka Cadaado, isagoo soo jeediyay in lala shaqeeyo ciidamada Amniga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa isna hadal ka jeediyay munaasabadda isagoo sheegay in shaqooyin badan lasoo qabtay inta dhimanna la doonayo in ay wadajir iyo iskaashi lagu suuro-geliyo.

Qaar ka mid ah Aqoon-yahanadii munaasabadda ka Qayb-galay ayaa ergada lasoo xulay kula dardaarmay inay si qoto-dheer uga fikiraan go’aanada horyaalla iyo sidii ay u dhisi lahaayeen maamul loo dhan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka Cadaado ee lagu Dhisayo Maamulka Gobollada Dhexe ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, iyadoo la xalliyay cabashooyin kala duwan oo ay soo gudbiyeen beelaha ku nool gobollada Maamulka loo dhisayo.

- See more at: http://hiiraan.com/news/2015/May/wararka_maanta30-91677.htm#sthash.Nm5V2xO5.dpuf

Add New Comment