Guddoomiye Muungaab “Sax ma aheyn Tira-koobkii ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta”



Muungaab B.jpg

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan tira-koobka ee UNFPA ay u gudbisay dowladda Soomaaliya xog uruurin aan sal iyo raad laheyn.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xog uruurinta ay ka sameysay gobolka Banaadir hey’adda UNFPA ay tahay mid aan sax aheyn.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool ( Saddex Milyan iyo afar boqol oo kun) Sidaas darteed wasaaradda qorsheynta Soomaliya waxaad moodaa in aysan ka warqabin dadka ku nool caasimadda Soomaliya, su’aasha meesha ku jirta ayaa ah yaa wax laga weydiinayaa tirikoobka rasmiga ah ee bulshada ku nool gobolka Banaadir”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiye Muungaab ayaa yiri “magaaladda Muqdisho waxaan ka sameynay tira-koob rasmi ah, waxaan isku xirnay Ilaa 10- tiriye waxaan sameynay barnaamijkii dariseynta oo laga hirgaliyey gobolka waxaa bulshada dagan xamar isugu xirnay in aan 10-kii guriba uu yeesho mas’uul ay mushaarkiisa bixiso D/Hoose Sidaas darteed waxaan xaq u leenahay in wax nalaga weydiiyo, laakiin sax ma ahan in wasaaradu xaqirto dadka degan Xamar “ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho.

“Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya waana in ay dadka la tashataa ee ma ahan in ay dayax Gacmeed ( Satellite) inta lagu dulmaro wadanka la soo saaro tiro aan sax aheyn mana aqbali karno in bulshada Xamar degan tiradoda laga been sheego” ayuu yiri Muungaab.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in tira-koobka ay sameysay wasaaradda qorsheynta ay ku qiyaastay dadka Soomaaliyeed in ka badan 12 Million, iyadoo dadka Gobolka Banaadir dagan ku sheegtay in ay Yihiin 1.280,939 taas aan aheyn tirada saxda ah waxaana loo baahan yahay In la iska hubiyo waxna laga weydiiyo dadka xogogaalka u ah.


Add New Comment