Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye oo shalay lagu caleema saaray duleedka Muqdisho “Sawirro”


Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna caleema saarayay Malaaqa beelaha Xamar iyo Xamr-daye ayaa maalinimadii shalay oo ku beegnayd 28.ka bisha May lagu qabtay deegaanka Ceel Cadde ee duleedka Muqdisho.

Xafladda lagu caleema saarayay Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro wasiir ku xigeenno iyo mudanayaal ka tirsan baarlamanka.

Sidoo kale Xafladda waxaa goob joog ka ahaa R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen “Nuur-cadde” , siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/kariin Xuseen Guuleed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe, Cali Guudlaawe, Imaan Maxamed Yuusuf, duubab iyo marti sharaf kale.

Imaan Maxamed Yuusuf oo ka hadlay munaasabadda ayaa si weyn usoo dhaweeyay caleema saarka Malaaq Cali Maxamed Wehliye, isagoo u rejeeyay in uu noqdo kii nabad iyo baraare u horseeda bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur cadde ayaa ugu hambalyeeyay Malaaqa xilka dhaqanka ee loo caleema saarayo, wuxuuna kula dardaarmay in uu si hufan u guto howlaha loo igmaday.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ka hadlay xaflada Caleemasaarka ayaa soo dhaweeyay caleemasaarka Malaaqa isagoo ugu hambalyeeyay Malaaq Cali Maxamed Wehliye in uu noqdo Malaaqa 11-aad ee beelaha Xamar iyo Xamar-dayem wuxuuna ballan qaaday in uu si wanaagsan ula shaqeyn doona malaaqa.

Imaam Maxamed Yuusuf oo ku hadlay magaca duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa malaaqa u hambalyeeyay isagoo tilmaamay in xil culus loo dhiibat, sidaasi darteedna loo baahanyahay in uu si daacadnimo leh ugu shaqeeyo xilka loo doortay.

“Malaaq Cali Maxamed Whliye wan la shaqeyndoonaa hadaan nahay duubabka Soomaaliyeed, waxaana u rajeeyhaa in uu Alle la garab galo xilka culus ee loo caleema saaray” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa noqonaya Malaaqa 11-aad oo ay yeeshaan beelaha dega Xamar Xamar Daye, iaydoo xafladda caleemaarka maanta ka dhacday deegaanka Ceelcadde ay ku dhacday jawi aad u wanaagsan.

Malaaq.jpg


Add New Comment