Xildhibaan Goodax oo ka dhawaajiyey in ay jirto fara-gelin lagu haayo Shirka magaalada Cadaado


Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay ka warhayaan faragelinta lagu haayo shirka maamul-u-sameynta gobollada dhexe ee ka soconaaya magaalada Cadaado.

GoodaxB.jpg

Xildhibaanka waxa uu yiri “Magaalada Cadaado idinkaa ku nool waad la socotaan waxa ka socdana anagoo ka soo foggaa la socono, guryo ijaaran waa jiraan. Waala soconaa Odayaasha nooca loola dhaqmay. Odayaashii Dhaqanka oo deegaanka ahaa inay inta la saaray oo Odayaal kale la geeyay waan la soconaa. Wax badan oo aan sax ahayn inay meesha ka socdaan waan la soconaa.”

Xildhibaanka, ayaa yiri “Laakiin aaqirka waxaa weeye dadka labadaasi gobol degan. Waxay Somalida tiraahdaa waa dadka ugu xikmadda badan, uguna go’aan qaadashada wanaagsan. Waxaan rabaa inaan idinku baraarujiyo inaad go’aan sax ah qaadataan.”

“Haddii dariiq dheer la maraayo nin sahanka yaqaano oo dariiqa yaqaano ayaa la kaxaystaa. Haddii ceelka uu biyo yareeyana qof ceelka geli yaqaana ayaa la kaxaystaa, oo OXYGEN badan aan u baahnayn. Haddii ay noqoto in baadi luntana, qof baadideeda dooni yaqaanaa roon inaad doontaan.” Ayuu sii raaciyay Goodax oo ka hadlaayay kulan lagu taageeraayay Axmed C/salaan Xaaji Aadan, oo Arbacadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somaliya, ayaa waxay marar badan ay beenisay inay fara-gelin ku hayso bulshada Gobolada Dhexe, iyadoona ku celcelisay inay dusha uun kala socoto shirka Cadaado.

Add New Comment