Ra'iisul-wasaare ku-xigeenka dalka oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa


Ra’iisul-wasaare ku xigeenka  Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ah ugu kicitimay dalka dibadiisa, wuxuna magaalada Nairobi kulamo kula qaadan doonaa deeq bixiyayaasha caalamka, halka magaalada Geneva uga qayb galayo shirkii 104-aad ee Shaqaalaha Aduunka.

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ayaa maalinka barito ah kulan balaaran kula qaadanayaa magaalada Nairobi  deeq bixiyayaasha caalamka, isagoona warbixin ka siinaya horumarada ay samaysay dowladda Soomaaliya iyo warbixino ku aadan meelaha mudnaanta u leh in laga caawiyo.

“Waxaa noo qorshaysan inaan caalamka la wadaagno gaabiska ku yimid barnaamijkii Soomaaliya loo soo marinayey deeqaha ee New Deal, kaas oo aan u qabsoomin sidii loo baahnaa, waxaa kale oo deeq bixiyayaasha caalamka uga warbixinaya meelaha dowladda Soomaaliya u leh mudnaanta oo u baahan in laga caawiyo iyo meelaha aan doonayno in mustaqbalka nalaga taageero”ayuu yiri mudane Carte.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qayb galaya shirka  104-aad ee  shaqaalaha aduunka, Shirkan ayaa waxaa looga hadalyaa sidii ay u noqon lahaayeen shirkadaha yar-yar iyo kuwa meel dhexaadka ah kuwo wax soo saar leh, lana yimaada shaqo abuur, iyo ilaalinta shaqaalaha iyadoo dabagal lagu samaynayo cahdigii Ururka Shaqaalaha Aduunka (ILO) ee la saxiixay sanadii 2008.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya 185 dowladood oo xubno ka haa Ururka Shaqaalaha Aduunka, waxaana  sanad kasta la qabtaa horaanta bisha June.

MCCarteb.jpg


Add New Comment