Xukuumada Soomaaliya oo ku howlan dajinta sharci u gaar ah qaxootiga Yemen ka imaanaya


GWasiirada.jpg

Shir ay golaha fulinta dowladda  Federaalka Soomaaliya ku yeesheen xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo uu shir guddoominayey Mudane Maxamed Cumar Carte, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda, ayaa si gaar ah  looga hadlay arrimaha Qaxootiga iyadoo laga dooday sharci siyaasadeed loo dejinayo Qaxootiga iyo xaquuqdooda.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cali Samatar, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay Xukuumadda ku howlan  tahay sharci u gaar ah qaxootiga dalka u dhashay iyo kuwa wadamada kale u dhashay ee Soomaaliya ku sugan, waxa ay intaa ku dartay in ganacsate Soomaaliyeed uu ku Yaboobay Markab soo daabiula dadka Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Yemen, waxa ay ku baaqdey wasiirka Haweenka in laga wada shaqeyb-galo gurmadka dadkeenna.

“Dowladda Soomaaliyeed waxey go’an ku gaartay in aan soo saarno sharciga qaxootiga ah si xaquuqdooda loo ilaaliyo, marka qaxootiga mid waa dadka Yemen ah oo waxa ay hoos imaanayaan sharciga caalamiga ah International Conflation Refugee, dadka kale waa dad  Soomaaliyeed oo ku soo laabanaya dalkooda, Insha Allah waxaan rabaa inaan dadka Somaaliyeed la wadaaggo in dowladda kaliyah aan lagu eegin ee laga wada qeyb-qaato ,waxaan u mahadcelinayaa shaqsi Soomaaliyeed oo ku deeqay Markab dadka qaxootiga soo daad gureen doona” ayeey tiri wasiirka Haweenka.

Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, ayaa abaalmarineysa Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ku yaboobay  hal Markab oo  dalka Yemen ka keenna dadka gurmadka u baahan, sida ay ku dhawaaqeen golaha wasiirrada Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli  Afhayeenka Xukuumadda ayaa yiri.

Dhinaca kale Golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa ka hadlay sharciga ka hortagga lacagaha been abuurka ah ee ka yimaada dibedaha, kuwaas oo caalamka ka ah dambiyo waa weyn, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, sida uu sharraxayo Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

“Sharcigan weli dooddiisa ayaa socoto waxa uu soo gabagaboobi doonaa todobaadyada soo socda, sharciga waa mid looga hortagayo lacagaha sida qaldan ama been abuurka ah ku soo gala dalka,  Soomaaliya waxa ay qaadaneysaa go’aanka uu caalamka ka istaagay arrintaan, waxaana ka qeyb-geli doona Garyaqaanka guud ee dowladda iyo hey’adaha kale ee dowladda, waxaana loo gudbin doonaa marka uu golaha wasiirrada marayo golaha Barlamaanka”.

Ugu dambeyntii shirka golaha fulinta dowladda,  waxaa warbixin ka hadleysa Difaaca Qaranka keentay wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo Xukuumadda ay dhiiragalisay dardargelinta howlada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo wasaaradda Difaaca ay ku howlan  tahay dhameystirka qorshaha deegaannada ay ku hareen looga sifeenayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga, waxey ka warbixisay dadaalka iyo howlgalada ay kula dagaallameysa kooxaha nabad-diidka ah, ciidanka Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin in ay dalka ka Difaacaan cadowga, wasiirka Gaashaandhigga, waxa uu ka mid ahaa dadkii booqdey ciidammada meelo kala duwan ee ay ku sugan yihiin, u jeedkuna waa in la dhiirageliyo ciidamada howsha ay hayaan”.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay soo saartay sharuuc badan oo aad muhiim ugu ah xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo sharuucdaas lagu soo gabagabeyn doono inta aan la  gaarin 2016-ka.


Add New Comment