Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo Muddada u kordhiyay Xafiiska QM ee Somalia



UNSC.jpg

Golaha Ammaanka ee QM ayaa maalinimadii shalay isku raacay qaraar waqtiga  loogu kordhinayo joogitaanka xafiiska QM ee Somalia (UNSOM), iyagoo xusay in muddada howlgalka xafiiskan uu ku keenayso 07-da Ogoosto, 2015-ka.

Xubnaha Golaha Amaanka ee 15-ka ah ayaa go’aankooda ku sheegay inay xushmeynayaan madax-bannaanida dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa Talooyin ka bixiyay Howl-gallada QM iyo Midowga Afrika ee ku wajahan la-dagaalanka Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya, taasoo kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM dagaallo sannado socday.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo warbixin uu dhawaan Golaha Amaanka siiyay Danjire Nicholas Kay uu ku sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku guuleystay inuu horymarro siyaasadeed ka gaaray dhinacyo badan; kuwaasoo uu ka xusay dhinacyada Federaalka iyo Maamul u sameynta Gobollada Dalka, Baarlamaanka, Xiriirka kala dhexeeya Madaxda maamulada Gobollada iyo Hirgalinta Aragtida 2016-ka, kuwaasoo loo maray sida uu sheegay Wadahadallo iyo Dib-u-heshiisiin.

Danjire Kay ayaa Warbixintiisa ku sheegay in arrimo badan ay harsan yihiin, isagoo hoosta ka xariiqay in waqti badan ka harsan yihiin sannadka 2016-ka iyo in Al-shabaab laga yaabo inay carqaladeyso geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxay kaloo Tallaabadan kusoo Beegmaysaa iyadoo Toddobaadkan Muqdisho lagu Dilay Xildhibaan Yuusuf Dirir oo ka tirsan baarlamaanka iyo darawalkiisii, waxaana weerarkaas lagu dhaawacay Xildhibaanka C/lla Boss Axmed iyo Askari ilaalo u ahaa xildhibaannada.

Ugu dambeyn, xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM ayaa la sameeyay bishii Juun sannadkii 2013-kii, kaddib soo jeedintii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon uu Golaha Ammaanka ka jeediyay bishii May 2013-kii.

- See more at: http://hiiraan.com/news/2015/May/wararka_maanta27-91630.htm#sthash.bMj5Ig5k.dpuf

Add New Comment