Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo Kuwait kaga qaybgalaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka


HadliyeB.jpg

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa haatan ku sugan magaalada  Kuwait ee xarunta dalka Kuwat halkaasoo uu kaga qaybgalayo shir ay isugu imaanayaan wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka.

Arrimaha ugu muhimsan ee shirkan oo maanta furmay lagaga wada hadlayo ayaa waxa ka mid ah xaaladaha ka taagan guud ahaan dalalka Islaamka, gaar ahaan Soomaaliya, Suuriya, Yemen, Libya, Falastiin iyo dhibaatada heysata dadka Rohingya ee muslimiinta dalka Myanmar (Burma).

Dalalka ka qeybgalayo shirka ayaa sidoo kale, isla soo qaadi doono iskaashi laga yeesho amniga, dhaqaalaha iyo teknaloojiyada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa ka hadli doono hormarka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya, iyo sida wali loogu baahan yahay gacan ururka Iskaashiga Islaamka uu ka siiyo dowladda, maalgashi iyo abuuritaanka mashaariic dadweyne.


Add New Comment